HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Kadib markii dhawaan Maamulka SSC Khaatumo ay Dowlada Somalia ku wareejiyeen 25 maxaabiis reer Somalilland ah ayaa waxaa soo baxaya in Maamulka Somaliland aanu dooneyn inay Dowlada faderaalka Somala kala xaajoodaan arimaha maxaabiis is dhaafsiga iyo waliba shuruudo ay ku xireen sii deynta maxaabiista u xiran
Wasiirka Caddaaladda Maamulka Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.
Sidoo kale Maamulka Somaliland wuxuu ku gacan sayray inuu Dowlada Somalia kala xaajoodo maxaabiis is dhaafsiga iyagoona shaaciyay inay arimaha maxaabiista kaliya kala hadli donaan Hay’ada ICRC .
“siideynta maxabiista aan ku qabanay dagaalkii Laascaanood mar walba waxaan raaci doonaan hab-raacyo ,horana qaar ayaa u sii deynay”ayuu yiri Wasiirka cadaalada oo sidoo kale xusay in maxaabiista hada la soo daayay qaarkood aysan askar ahayn balse ay ahaayeen shacab xoolo dhaqato ah laga afduubtay bariga Gobolka Sool sida ay warka u dhigeen.
Dhanka kale wasiirka u hadlay maamulka Somaliland wuxuu ugu baaqay Dowlada Faderaalka Soomaaliya inay maxaabiista reer Somaliland ku wareejiyaan Hay’ada ICRC iyaguna ay halkaasi ka doonan doonaan.
Baaqaan ah in Dowladu ICRC ku wareejiso ayay reer Somaliland ula jeeddaan diidmadooda ah inaysan Dowlada Somalia kala xaajoon arimaha maxaabiista sida ay doraad ku cadeeyeen shirkii Golaha wasiirada uu shir gudoominayay C/raxmaan Cirro.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM