kadib dagaal maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaad ee ay isku ayaan maamukada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa waxaa si kulul uga hadlay masuul ka tirsan Maamulka Somaliland.
Masuulkaan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee dhanka Somaliland ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi inuu ka dambeeyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Bare.
Qoraal uu qorey Guddoomiyaha gobolka Sanaag garabka Maamulka Somaliland Axmed Cabdi Muuse (Isdeber) ayaa sidan u qornaa:-
Kooxaha Nabadiidka ah ayaa weerar maanta waxay kusoo qadeen fadhiisimaha hore ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gaar ahaana Taliska Dhuurmadare ee Koonfurta Gobolka Sanaag waxana ay ciidmaada Qaranku ay udhigeen Cashar lama ilawaan ah kuwaasi oo laga Qabtay Tirro Maxaabiis ah iyo Gadiidka Gaashaaman ee dagaalka ay wateen.
Nabadgelyada darada kooxahan waxa masuul ka ah Raisul wasaaraha dawlada taagta daran ee Somaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Xukumadiisa oo Safar Nabadgelyo darro ah kuyimi dhulka Somaliland kaas oo ay maanta fariintiisii Fuliyeen , taas oo uu ku carqaladaynayaan Nabadaynta dadka oodwadaag ta ah ee aan marna kala maarmi karin .
Ka dowlad ahaan waanu ku filan nahay Difaaca dhulkeeda,marnaba gor gortan cidna kala gelimayso jiritaankeeda iyo ilaalinta Madax banaanideeda dhuleed JSL
Amni darrada dhuleed ee ay wadaan iyo dulaanka Gardarada ah waa uga digaynaa cawaaqib ka Dhashana masuuliyadiisa waxa qaadaya maamulka Xamar.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag
Axmed Cabdi Muuse (Isdeber)
