Sida aan ka soo xiganay Tv-ga Maamulka Somaliland Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa kumanaan kun qof oo isugu soo baxay Xuska Maalinta Qaranka ee 18 ka May kaga qaybgalay Magaalo Madaxda labaad ee Togdheer.
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horuumarinta Reermiga Siciid Sulub Maxamed iyo Masuulin kale ayaa khudbado ka jeediyey fagaaraha Khayrida Burco, halkaas oo ay isugu bexeen dadweyne tiro badan oo muujiyey dareenkooda Qarannimo.
Advertisement
Advertisement