HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay hubkii dhawaan shacabka reer Cabud-waaq ay bililiqeysteen ayaa soo jeediyay in Beesha Caalamku dib u eegis ku sameeyaan go’aankii Somalia looga qaaday cunuqabateynta hubka.

Wasiirka oo arimaha dibada u qaabilsan maamulka waqoyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland ayaa walaac ka muujiyay hubkaasi gacanta u galay shacabka reer Cabud-waaq iyo waliba hub ka sii horeeyay oo uu xusay in Alshabaab uu u gacan galay.

Advertisement

Wasiirka wuxuu tilmaamay in go’aanki cunuqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid qadan loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Warka ka soo baxay wasiirkaan wuxuu intaasi ku daray in sedexdii billood ee lasoo dhaafay Al Shabaab hub ka qabsadeen Dowlada Somalia walow uusan wax cadeyn ah soo bandhigin.

“hubkii dhawaan ay qabsadeen shacabka Cabdu-waaq waxay muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayuu yiri wasiirka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here