HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Soomaalida waqooyi ee Somaliland ayay ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan talaabada Dowlada Masar ay saraakiisha iyo agabka Milateri ugu soo dirtay Soomaaliya.

Wasiirada Maamulka Hargeysa ayaa ka carooday oo aad u dhibsaday taageerada milateri ee ay dawladda Masar u fidisay Soomaaliya, iyadoo uu jiro shaki weyn oo muujinaya in wararka maamulka Hargeysa inuu yahay kuwo Itoobiyaanku u meerinayaan.

Advertisement

Warka Wasiirada hargeysa ka soo baxay waxay taageerada Masar  ku macneeyeen inay tahay mid halis ku ah xasiloonida gobolka geeska Afrika islamarkaana ay maamulkooda si gaar ah saameyn ugu yeelaneyso.

“Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog lagaga soo daabulayo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho kuwaas oo maanta ay uga baahi badan yihiin inay u gurmadaan walaalahooda Qaza ee deriska la ah ee la daranyeysan baahida, darxumada, colaadaha iyo macaluusha.” ayaa lagu yiri warka soo baxay maamulka  Hargeysa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here