HomeWarkiiHanjabaad mar kale ka timid Somaliland oo ku aadan safarka Ra'iisulwasaare Xamsa

Hanjabaad mar kale ka timid Somaliland oo ku aadan safarka Ra’iisulwasaare Xamsa

Warsaxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa mar kale si kulul wuxuu uga hadlayaa safarka uu Laascaanood ku tagayo Ra’siisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre.

Warsaxaafadeedka Somaliland wuxuu ku tilmaamay booqashadaani mid qatar amni ku ah  nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Somaliland waxay ku hanjabtay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii nabadgelyo darro ah ee ka dhasha socdaalkaas.

Sidoo kale warsaxaafadeedka waxaa loogu baaqay Hay’adaha Caalamka sida QM inay ka ka fal-celiyaan qorshaha Xamsa uu ku imaanayo Laas-caanood taasoo dhaawaceysa amniga Gobolka sida Somaliland sheegtay.

Hadaba halkaan ka khriso warsaxaafadeedka Maamulka Somalilan oo sidiisa u qoran:-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada lagu wado in Raysal-wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Laascaanood. Waxaanay tilmaantay in booqashadaasi ay xadgudub ku tahay
madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada.
Sidaasna waxa wasaaradda arrimaha dibaddu ku sheegatay warmurtiyeed ay soo saartay oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay shaacisay in booqashada Raysal-wasaaraha Muqdisho ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay xustay in dawladda Soomaaliya ay masuul ka tahay xasilooni darrada ka dhalata booqashadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka.
“Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda.
Dawladda Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan xasilooni darrada ay ku foogan tahay Soomaaliya.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay in haddii aan wax laga qaban ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caddaysay go’aankeeda ku wajahan nabad, wadahadal iyo iskaashi goboleed.
Xukuumaddu waxa ay shaacisay inay qaadi doonto tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo.
DHAMMAAD

May be an image of text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -