LIVERPOOL (DAYNIILE.COM)-Golaha Deegaanka ee Magaalada Liverpool Dalka Britain ayaa la sheegay inay u aqoonsadeen Maamulka Somaliland Dowlad ka madax banaan Somaliweyn.

Sida ay sheegtay BBC-da laanteeda afka Somaliga  Golaha deegaanka Liverpool ayaa cod ay qaadeen waxay ku aqoonsadeen Maamulka Somaliland.

Advertisement

Shacabka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalkeena Soomaaliya ayaa tirada ugu badan waxay ku nool yihiin dalka Britain iyagoona wado kasta u mara sidii golayaasha deegaanka ee Magaalooyinka Dalkasi aqoonsi ugu heli lahaayeen.

Liverpool ma aha magaaladii u horreysay ee dalka Ingiriiska ah ee sheegta in ay aqoonsatay Somaliland,

Sidaan oo kale waxaa hore maamulka Somaliland aqoonsi u siiyay Magaalooyinka kale ee Sheffield, Cardif City iyo Wales oo ka wada tirsan isla dalka Britain.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here