Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa saaka ka talaabay xaduud beeneedka Somaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhanka Wajaale iyagoo dhanka la balansan wadi iyagana ka imaanaya dhanka Dowlada Itoobiya si ay uga wada hadlaan dagaaladii ka dhacay degaanka Dacawalay.
Wadiga uu diray Maamulka Somaliland waxaa ay kala yihiin Wasiirada Amniga, Madaxtooyada, Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Millatariga waxaana lagu wadaa in xal laga gaaro dagaalkii kaasoo dhexmaray maleeshiyaad reer Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliiska ee dalka Itoobiya hoos taga.
Maamulka Somalilamd ayaa tirsanaya in shacabkooda ku dhaqan dhanka kilinka 5-aad ee Itoobiya awood Dowladeed loo adeegsaday lana xasuuqay iyagoon waxba galabsan halka dhanka aan la ogen waxa u ka dhihi doonaan walow cid kasta oo ka hortimaada ay ku calaameedayeena argagaxiso.
Shirkaan oo maanta dhacaya ayaa lagu wadaa in ugu yaraan ay ka soo baxaaan qodobo lagu xalinayo colaadaasi dadka badani ku dhinteen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
SAWIRADA WAXAAN KA SOO XIGANAY SAAB TV
Advertisement