Maamulka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Dagaalamayaal kasoo goostay Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay ku biirayay ciidamada kusugan Degmadaasi, taasoo walaac xooggan ku beertay mas’uuliyiinta deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan Shigshigow, ayaa arrintan warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay “kaarka qabiilka” inay tahay istaraatiijiyad muhiim ah oo ay adeegsadaan kooxaha argagixsada si ay u dhexgalaan ciidanka.”.

Advertisement

Hadalkaan uu ula jeeday inay jiraan Koox Al shabaab oo sheegatay inay soo goosteen haddana qalqal galin amaanka kawada Degmada.

Maxamed Xaaji Waxa uu ku booriyay shacabka iyo laamaha amaankaba in ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan hababka cusub ay hadda Al shabaab ay bulshada kusoo dhex galayaan.

Mas’uulkaan ayaa ku eedeeyay rag kasoo goostay Al shabaab inay ka dambeeyeen weerar qarax bam oo ka dhacay habeeno ka hor Degmada Qoryooleey oo ay ku dhinteen 3 Qof lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Shigshigow ayaa tilmaamay inay ragaan aysan helin dhaqancelin ama aan laasiinin warqad rasmi ah oo Dowladda kasoo baxday inay isasoo dhiibeen ah, waxa uu shaaca ka qaaday inay qabiil ahaan ku joogaan Degmada balse mabda’ ahaan ay wali ka tirsan yihiin Al shabaab.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here