GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa mar kale Dowlada Somalia waxay ku eedeysay isku xir la’aanta faderaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo guud ahaan khilaafka hada jira.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Dowlada Somalia iyo Maamulka Koonfur-Galbeed.

Advertisement

“Siyaasad xumida madaxda sare ee dalka ayaa sabab u ah xaalada dalka uu hada ku jiro ee khilaafaadka iyo kala taga ah”ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiir Ceydiid wuxuu intaasi ku daray in Dowlada Faderaalku sabab u tahay inuu xumaado xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada islamarkaana uu yaraado wada shaqeyntii labada dhinac.

Masuulkaani wuxuu ugu baaqay dhamaan Maamul Goboleedyada Dalka ee hoos taga Dowlada Faderaalka Soomaaliya inay isugu yimaadaan shir ka dhan ah Dowlada Soomaaliya taasoo aan cadeyn waxay kaga hadlayaan.

Dhanka kale ma cada in maamuladu wada aqbalayaan madaama la ogyahay in Puntland iyo Koonfur-Galbeed kaliya uu khilaafku kala dhexeeyo Dowlada Soomaaliya,sidoo kale Puntland wali lamaba arag Dowlad Faderal Soomaaliyeed oo ay heshiis la yihiin, inta badan Dowlad kasta oo Soomaaliyeed reer Puntland waa la dagaashan yihiin taas badalkeeduna Dowladuhu intaas waxay raadiyaan sidii Puntland ay u qancin lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here