BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay hubkii iyo ciidankii ugu badnaa waqtiyadaan danbe kuwaasoo ay u diyarsheen howlgal ka dhan ah kooxda Daacish oo mudaba ku sugnaa buuraha Gobolka Bari.
Tikniko kala duwan oo isugu jira kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa kale dhashiikayaasha ay ka mid yihiin iyo ciidamo aad u badan ayay Puntkand meel isugu geysay ,waxaana howl-galkaan dartiis mudadaan danbe Boosaaso ugu sugnaa Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani.
Ciidamadaan ay Puntland diyaarisay waxaa qorshahoodu yahay inay gabi ahaanba dhulka ay ka taliyaan ay saaraan kana nadiiiyaan kooxda Daacisha oo muda awood ku lahaa buuraleyda Gobolka Bari halkaasoo ay ka soo abaabulaan weerarada ay ku beegsadan masuuliyiinta iyo ciidamada Puntland.
Howlgalkaan waxaa amray Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani xili Ciidanka hawlgalka ciribtirka Daacish-ta Puntland ee (HILLAAC) ay galeen diyaargarow buuxa iyo heegan dagaal, iyagoo maanta soo bandhigay dhoolatus iyo cudud Ciidan.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Baari Shire, iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa ku booriyey Ciidamada in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla ee ay Daacish uga sifeynayaan buuralayda Puntland.
Howlgalkaan wuxuu maamulka Puntland ugu magac daray HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND-
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COM