GAROWE (DAYNILE.COM)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa Qoraal qarsoodi ah wuxuu u dirsaday beesha Caalamka kaasoo ka dhan Dowlada Faderaalka Soomaaiya gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya iyo caqabadaha ka soo kordhay.

Qoraalka Puntland oo loo direy Beesha Caalamka ayaa looga dalbaday inay wax ka qabtaan wax ay ku sheegeen siyaasadeynta Muqdisho ee dhanka gar-gaarka caalamiga ah iyagoo codsaday in si cadaalad ah loo qeybsado.

Advertisement

Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya siduu u bilowday khilaafka dhexdooda ka jira inay ka goosteen qeybtii ay ku lahaayeen gar-gaarka Caalamka islamarkaana.

“waxaan ka cabaneynaa dhaqaalihii caalamka ka imaaneyay ee kabka Somalia loo yaqaan qeybtenii way naga jaratay Dowlada waxaan codsaneynaa in cadaalad wax loo qeybsado”

Cabashada Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili ay jiraan siyaasiyiin ree Puntland oo la socda dhanka Dowlada Somaliya taasoo iyadana rabta ifin inkastoo shacabka Puntland ku wareersan yihiin siyaasadaha iska soo horjeeda .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here