GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay shirka wada-tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ee hoos taga Dowlada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo soo hadal qaaday shirka wada-tashiga oo maalintii labaad ka socda Muqdisho ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in shirkaasi iyo wixii ka soo baxaba aysan quseyn dhankooda oo uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn.

Advertisement

“xaalada Soomaaliya xal uma aha shirka hada ka socda Muqdisho ee Golaha wada-tashiga Qaran sababtoo ah kuwii hore loo qabtayba wax natiija ah kama soo bixin”ayuu yiri Wasiir Dirir

Wasiirka Puntland u hadlay wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay in shirkaani fashilmay islamarkaana arinta khilaafka ee Puntland inuu xaliyo iska daaye xitaa inuusan shirkaani xalin karin mid Baydhaba ka jirta.

Dhanka kale Masuulkaani wuxuu xusay ineysan sinaba u jirin wax puntland ku cadaadin kara inay aqbasho shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda maalintii labaad.

“inagu waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno qorshaheena siyaasdeed ee aan ku difaaceyno danaheena mana jirto cid nagu qasbi karta inaan aqbalno shirka xamar”ayuu mar kale yiri wasiirk

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here