GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaana dhanka Puntland ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay rag alshabaabnimo ku eedeysanaa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ragaan oo tiradoodu tahay 10 ruux ay hore Maxkamada Ciidamada Maamulka Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah, ugu dambeyna saaka lagu fuliyay toogashadaasi.

Advertisement

Raggaan saaka la toogtay waxaa ku jira koox dhawaan xabsiga ka baxsatay kuwaasoo badankood la soo qabtay inkastoo qaar ka midana ay baxsadeen oo aaney u suuragalin Booliisku inay dib u soo qabtaan.

Raga kuwooda baxsadka ah waxay ku xukunaayeen dil toogasho ah,lamana hayo meel ay cirib iyo jaan dhigeen taasoo dhibaato ku ah bulshada oo ay suurtagal tahay inay mar kale dilal ka gaystaan Puntland ama deegaanada Koonfurta dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 10 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here