02-September-2024
Ciidanka Booliiska Puntland ee qaybta Gobolka Raasa’casayr ayaa gacanta ku dhigay rag Burcad badeed ah,hub iyo gaadiid badeed oo ay wateen.

Howlgalka oo socday 24tii saac ee lasoodhaafay oo uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga degmaada Bareeda Xidigle Mohamed Hasan Ciise ayaa lagu sooqabtay Saxiimad ay wateen hub iyo sadex kamida Burcadbadeedii wadatay,waxaana wili socda howlgal oo iyana lagu baadigoobayo afar kale oo kamida Burcad badeeda gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa cidkasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga deegaana Puntland si ay ugu qabtaan gacan adag.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.
– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.
May be an image of 5 people
May be an image of 6 peopleMay be an image of text that says "0 樂 1 YAM"No photo description available.May be an image of 2 people, water heater and textMay be an image of boat, ocean and horizonMay be an image of water heater and text that says "UI!!! 09 来 RYA 笑 Endur YAM"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here