BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ajanabi ah oo u dhashay Israa’iil kaasoo u soo safray inuu Somalia kaga biiro Kooxda Daacish qebtooda ka dagaalanta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Taliska Ciidanka PSF wuxuu shaaciyay in ninkaani oo magaciisa lagu sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr uu Jaamacad ka dhigan jirey Magaalada Sakhniin ee Israa’iil kadibna uu u soo safray Somali si uu ugu biiro kooxda Daacish.
Mustaf oo magaciisa af-garashadu yahay Saalim ayaa ciidamada Puntland u sheegay inuu isagu go’aansaday inuu Jaamacada ka soo tago kuna biiro kooxda Daacish.
Cabdalla Mustaf Abu-deyr wuxuu jaamacad ka baran jirey cilmiga Injineerinka ka hor intuusan qaadan fikirka ku biirista Daacish.
“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.
Sarkaalkaan Israa’iiliga ah ee la qabtay wuxuu cadeeyay inuu ku biirey kooxda Daacish uuna tagay buuraha Gobolka Bari halkaasoo ay ku sugayeen koox ka tirsan Daacish
“ 5 ka mida kooxda Daacish ayaa igeysay meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu mar kale yiri Abu-deyr.
Si kastaba ciidamada gaarka u tababaran ee PSF kana howlgala degaanada Puntland ayaa hada gacanta ku haya ninkaani Israa’iiliga ah ee Puntland u yimid ku biirista Daacisha .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM