Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar uu soo saaray ku joojiyey ajaaniibta Sharci la’aanta ku soo gelaysa deegaannada Puntland, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha maamulkiisa ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan fulinta amarkaas.
Amarka uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dal ku gal gaar ah loo samayn doono ajaaniibta imaanaysa deegaannada dowlad goboleedkaaas.
Advertisement
Arrintan ayaa qeyb ka ah tillaabooyin ka dhan ah ajaanibta looga shakisanyahay inay xariir la leeyihiin kooxda Daacish oo todobaadyadii la soo dhaafay ay wadday Puntland.
Advertisement