GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa ka hadlay warar laga faafiyay sida ay ula dhaqmayaan Kooxaha Daacish marka ay isasoo dhiibaan madaama uu socda dagaalka buuraha Gobolka Bari.
Maamulku wuxuu beeniyay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Puntland aysan wax cafisa u fidineyn dagaalamayaaaha Daacish gaar ahaana kuwa ajaanibta ah hadey isasoo dhiibaan.
Maxamuud Caydiid Dirir oo ah Wasiirka war-faafinta Puntland ayaa carabka ku adkeeyay inay hadaba hayaan ajaabib isasoo dhiibtay jslamarkaana ay wadaan sidii ay dalalkooda ugu celin lahaayeen si nabad ah.
“Waxba kama jiraan waxa la faafinayo oo ah inaaney Puntland cafis u fidineyn ajaanihta Daacish, waxaan waafajineynaa nidaamka maxaabiista dagaalada lagu qabto taasoo ku jirta in la iska cafinmkaro”ayuu yiri Wasiir Dirir.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu soo hadal qaaday cafiska Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni dhowr jeer ku celceliyay una fidiyay kooxaha ka soo horjeeda , isagoo carabka ku adkeeyay inuu yahay mid weli u furan ciddii goob dagaal iska soo dhiibaysa iyo dagaal la’aan intaba.
” sharciga dagaalka wuxuu leeyahay maxaabiis la qabto oo la cafiyo iyaguna ay taa raacayaan”ayuu yiri Wasiir Cadiid Dirir
Sidoo kale Wasiirku vwuxuu sheegay inay u furan tahay inay Alle u towbad keenaan, madaama Alle uu aqbalo towbada ilaa iyo inta naftu aaney kalxamaha soo gaarin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM