GAROWE (DAYNIILE.COM)-Warar maanta uu shaaciyay Addis Standard oo ka mida warbaahinta Itoobiya ayuu ku sheegay in sadex ruux oo Itoobiyaan ah lagu dilay deegaanada Maamulka Puntland ee waqooyi bari Somalia kuwaasoo halkaasi qaxooti ahaan u joogay.
Dadkaan la dilay ee Itoobiyaanka ayaa lagu eedeeyay inay Daacish ka tirsan yihiin sida uu u sheegay Addis Standard Soomaali ku sugan Boosaaso oo magaciisa aan sheegin.
Hal qof oo Itoobiyaan ah ayay sheegtay in ay dileen ciidamada ammaanku, iyadoo ay xigtay dhimashada laba kale oo la sheegay in lagu dilay magaalada Boosaaso maalintii xigtay.
Addis Standard oo soo xiganaysay dadka Itoobiyaanka ah ayaa sheegtay in ay aad u bateen xariga, garaacista iyo dhaca aan loo meel dayin ee lagu hayo
Muhaajiriinta iyo qaxootiga Itoobiyaanka ah ayaa lagu hayaa xarig, garaacis iyo dhac aan loo meel dayin sida warbaahinta Itoobiyaanku shaaciyeen.
Dhanka kale Taliska ciidamada Booliiska Puntland ayaa si weyn u beeniyay wararkaani sheegaya in shacab Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland.
DAYNIILE.COM