GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirasn maamulka Puntland ayaa ka hadlay war shalay ka soo baxay Wasiirka arimha dibada Dowlada Somalia Axmed Macalin Fiqi kaasoo uu ku sheegay inay la xisaabtami doonaan safiir ka mida kuwa reer Yurub u fadhiya Soomaaliya oo Hargeysa hadalo uu ka jeedinayay Dowlad ahaan ugu dhawaaqay Maamulka Somaliland.
Axmed Macalin Fiqi oo aad uga carooday talaada uu qaaday safiirkaani ayaa ku eedeeyay u sheegay inuu ku xad-gudbay madax banaanida,wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed madaama uu afkiisa ka yiri Dowlada somaliland,wasiir Fiqi wuxuu intaasi ku daray inay Dowladu u yeertay lana xisaabtami doonto.
Wasiirul-dawladaha Madaxtooyada Puntland C/fataax Cabdi Nuur ayaa eedeyn kala dul dhacay Wasiir Fiqi isagoona tilmaamay in hadaladiisu soo dedejin karaan aqoonsi ay helaan reer Somaliland.
“Yasidda Doorashooyinka Dimuqraadiyadda ee walaalaha Somaliland ku talaabsadeen iyo hadalada xanafta leh waxay xoojinayaan oo kaliya kala fogaanshaha Umada Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri Cabdifataax Cabdi Nuur.
DAYNIILE.COM