HomeWarkiiMaamulka Khaatumo oo ka hadlay cida dishay sarkaalkii qunsuliyada Itoobiya ee dhawaan...

Maamulka Khaatumo oo ka hadlay cida dishay sarkaalkii qunsuliyada Itoobiya ee dhawaan laas-caanood lagu dilay.

LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Maamulka SSC Khaatumo ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dil habeen hore Laas-caanood loogu geystay Faarax Caydiid Jaamac (Faarax Bariis) oo ka mid ahaa qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Garoowe.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maamulka SSC-khaatumo, Avv. Cabdillaahi Xirsi ayaa shaaciyay in sarkaalkaani ay laba mid tahay in Alshabaab dileen iyo in aano qabiil loo dilay.

Xeer ilaaliyaha wuxuu xusay in maleeshiyaad dilay aan wali la qaban balse wuxuu xaqiijiyay in gudaha magaalada Laa-caanood lagu dilay.

Sidoo kale xeer ilaaliyaa ayaa ka dhawaajiyay in sarkaalkaani oo asal ahaan ka soo jeeda Laas-xcaanood inuu laftigiisu hore uga soo mid ahaa kooxda Alshabaab.

Xeer ilaaliyaha Maamulka Khaatumo wuxuu sidoo kale cadeeyay in sarkaakaan la dilay inuu ka tirsanaa sirdoonka Itoobiya islamarkaana ay u maleynayaan inay Alshabaab bartilmaameedsadeen.

Mar uu ka hadlayay waxa lagu dilay ayuu xaqiijiyay in jirdil kadibn madaxa looga dhuftay laba xabadood kadibna meydikiisa la geeyay gooja cadde.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -