Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo sheegayaa inay Gobolka Bay ka fuliyeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Ufurow ayay Ciidamada Darawiishtu ku shaaciyeen inay ku dileen dagaalamayaal ka mida  kooxda alshabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Advertisement

War ka soo baxay maamulka K/galbeed ayaa lagu shaaciyay in guud ahaan tirada alshabaabka ay laayeen ay yihiin 5 ruux kuwaasoo oo howlgalka u ahaa bar tilmaameed.

Saraakiisha u hadashay Maamulka K/galbeed waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlhalada ay ku beegsanayaan alshabaab si ay deegaanadooda uga saaraan.

Kooxda Alshabaab dhankooda wali wax wara kama soon saarin warka ka soo baxay dhanka K/galbeed ee lagu sheegay in 5 alshabaab ah lagu dilay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here