KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan kala diraya baarlamaankooda si ay u dhistaan Golle Baarlamaan cusub madaama ay doorasho madaxweyne galayaan intuusan dhamaan sanadkaan waa sida ay qorsheynayaan.
Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa u ditaar garowga arinkaasi iyadoo durba ay bilowdeen dhalinyaro isku soo sharaxeysa xubin ka noqoshada Golaha WaKiilada ama golaha baarlamaanka cusub ee Maamulka jubaland uu dhawaan yeelanayo.
C/risaaq Xassan Carte iyo Axmed Nuur Cabdiwahaab (Ilkacase) ayaa shaaciyay inay isku soo sharaxeen una tartamayaan kamid noqoshada Golaha Wakiilada Maamulka Jubbaland kaasoo dhawaan lasoo dhisayo.
Labadaan musharax iyo kuwo kaloo lagu wado inay tartanka ka qeybqaataan ayaa ka mid ah dhalinyarada wax soo baratay ee u dhalatay Jubaland kuwaasoo doonaya inay Maamulka cusub ee la dooran doono xildhibaano ka noqdaan.
Doorashada la filayo inay ka dhacdo Jubnaland waliba nuuca dad-ban ee awalba lagu soo dhaqmaayay ayaa imaaneysa xili dhawaan ay kala boodeen Dowlada Faderaalka Somalia iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kadib markii ay isku qabteen Dowlada oo rabta doorasho qof iyo cod ah iyo Axmed Madobe oo raba doorashooyinkii hore ee dad-banaa taasoo ugu dambeyn keentay in Jubaland ku dhawaaqdo inay xiririka u jartay Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement