KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle  kaasoo u dhexeeyay  ciidamada Maamulkaasi iyo kuwa Kooxda Alshabaab.
Sida lagu shaaciyay warbaahinta Maamulka Jubaland dagalka ayaa yimid markii Alshabaab weerar soo qaadeen sidaasna ay uga hortageen ciidamada maamulka gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle.
War qoraala oo la soo dhigay baraha bulshada ee lagu taageero Jubaland ayaa lagu baahiyay in Alshabaab ay ka carareen meydadka 5 dagaal yahan oo ku jirey kuwii weerarka soo qaaday.
Sawirada meydadka 5-ta ah ayay baraha bulshada soo geliyeen inkastoo dhanka Ashabaab aysan ka hadlin intaan ka war heyno.
No description available.
Dagaalada u dhexeeya labadaan dhinac ayaa aad u soo badanayay bilahaan danbe xili ciidamada Dowlada Somalia gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ay iyaguna la safan yihiin ciidamada Maamulka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here