Dawlad-goboleedka Jubaland ayaa markiisa sida Puntland waxay ku dhawaaqeen inaysan aqoonsaneyn kaarka aqoonsiga Soomaaliya ee Dowlada Faderraalku bixiso.
Maamulka Jubaland wuxuu shaaciyay inaanu deegaanadooda ka shaqeyn doonin kaarkaasi madaama aysan aqoonsaneyn ka maamul ahaan xili khilaaf weyn kala dhaxeeyo Dowlada Somalia.
Warka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in samaynta kaarka aqoonsiga muwaadinka ee Soomaaliya uu yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana aan heshiis lagu wada ahayn kaadhkaasi.
Warka jubaland ayaa ku soo aadaya xili dhawaan sidaas oo kale Maamulka Puntland ugu gacan sayray kaarkaasi iyagoona uga digay shacabkooda inay qaataan kaarkaasi madaama ay Dowlada isku dhacsan yihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM