BAARDHÈRE (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Baardheere garabka Maamulka Jubaland Aadan Muxumad Dhagacade ayaa si kulul uga hadlay safar Magaalada Baardheere ay ku tageen wafdi Dowlada Somalia ka socday.
Gudoomiye Dhaga-cadde wuxuu ku eddeeyay wafdiga Dowlada oo uu horkacayay Wasiirka Amniga C/llaahi Sh.Ismaaciil Fartaag inay ku soo fashilmeem Gar-bahaareey islamarkaana aysan reer Baaardheere u heyn wax dan ah
“Wasiir Fartaag skudhac Ciidan ayuu sababi rabay waxaana dib loogu celiyay diyaaradii uu ku yimid”ayuu yiri Gudoomiyaha
Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu carabka ku adkeeyay in Jubaland ka masuul tahay Magaalada Baardheere ee Gobolka Geddo
“Aniga gudoomiye ka ah Degmada Baardheere mana is arkin wafdiga Dowlada sidoo kale qeybaha bulshada ma arkin, kaliya dana guracan iyo igu sawir ayay u yimaadeen Baardheere waxayna ku laabteen Xamar”ayuu mar kale yiri Gudoomiye Dhagacadde.
Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay inaysan wax mashaariic ama waxtar leh u wading reer Baardheere balse kaliya ay u tageen igu sawir waa sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM