JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in Alshabaab qabsan karaan caasimada Maamulka Hirshabelle ee Jowhar xili ay hada soo qabsadeen deegaano dhowr ah oo ay u dambeysay Degmada Aadan Yabaal.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure (Koroole) ayaa daboolka ka qaaday in Jowhar tahay caasimada Maamulka Hirshabelle wuxuuna sheegay inay difaacan tahay islamarkaana ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo kuwa deegaanka iyo Milateriga.
“Jowhar ma qabsan karaan waxaana ku sugan ciidamada Xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo aad u badan,mida kale maba aaminsani wax qabsi la yiraa oo waliba meelaha ay dhawaan qabsadeen ayaaba degdeg looga saari doonaa”ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle
Wasiirka wuxuu sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay dhamaan uga saari lahaayeen meelihii ay qabsadeen.
“meelaha ay hada soo gaareen si tabar dari ah ayay ku joogaan,waxaana ugu baaqayaa mujaahidiinta xaq u dirirka iyo ciidamada xooga inay Alshabaab dhamaanba ka saaraan meelaha ay ku sugan yihiin”ayuu mar kale yiri
Dhanka kale wuxuu cadeeyay in deegaanada Hirshabelle ay ka socdaan abaabulo lagu doonayo in Alshabaab looga saaro meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM