JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka shifay ujeedka Alshabaab culeyska u soo saareen deegaanada Hirshabelle oo kaliya.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro heshiis Alshabaab ay la soo gashay maamul Goboleedyada qaar si ay usoo dhexmaraan una soo weeraraan Hirshabelle.
“kooxda Alshabaab waxay kula heshiiyeen gobolada qaar inay culeyska ka soo qaadaan kaliyana ay u ogolaadaan inay dhanka soo dhexmaraan waana sababta keentay inay deegaanada Hirshabelle culeuska u soo saareen”ayuu yiri Wasiirka.
Wasirka wuxuu carabka ku adkeeyay si kasta ay tahay inay u diyaarsan yihiin inay iska difacaan kooxda Alshabaab weerar kasta ay ku soo qaadaan deegaanada Hirshabelle.
Masuulkaan ma uusan sheegin magac maamul kaliya si guud ayuu ka dhawaajiyay in maamulada qaar heshiis kula jiraan Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM