Guddoomiyaha Ururka Dhalinyaradda Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow ayaa kulan casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyay qaar ka mid ah Madaxda Ururada Dhalinyarada Maamul Goboleedyada dalka kuwaasi oo Magaalada Muqdisho u joogo ka qeyb galka kulamo aqoon kororsi.
Kulankaan oo ay goobjoog ahaayeen Madaxda Ururada dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku aadan in la xoojiyo xiriirka dhalinyarada, Iskaashiga iyo ka wada shaqeynta Dowlad-dhiska Soomaaliya.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

















Advertisement