Muqdisho, 2 January 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta Deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira, asigoona xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.
Guddoomiye Amiir ayaa xusay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, asigoona faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, kor u qaadista Dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada Gobolka Banaadir.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person, glasses and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here