MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maamulada Degmooyinka Muqdisho ayaa cadaadis xooggan waxay ku hayaan shacabka Magaalada Muqdisho inay xirtaan kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV kadib amar kaga yimid Maamulka Gobolka Banaadir oo iyagana amar ka heysta Xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Degmooyinka waxaa markii ugu horeeyay la siiyay guryaha dabaqyada kadib hada wuxuu cadaadiskii ugu xooggana heystaa filooyinka nuuc kasta ay ahaadaan.

Advertisement

Degmada Yaaqshiid oo ka mid ah Degmooyinka ugu waa weyn ee Gobolka Banaadir ayaa cadaadska ugu xooggan laga soo sheegayaa kadib markii lagu amray inay 24 saac gudahood ku soo xirtaan Kaamirada qarsoon.

Ciidamada Maamulka Degmada Yaaqsiid Saaka waxay ku soo jarmaadeen xaafadaha kala duwan iyadoo qoys kasta ku soo kacay iyadoo ciidan albaabkooda u garaacayo xili hore ay ugu qeybiyeen waraaqo lagu amrayo xirashada kaamirada.

Warqada waxaa ku qoran:-
MAAMUILKA DEGMADA YAAQSHIID
MUWAADIN WAXAA LAGU FARAYAA INAAD KA QEYBQAADATO SUGIDA AMNIGA , FADLAN 24 SAAC XIR KAAMIRADA.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here