MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si cad u shaaciyay inay sharciyeeyeen lacag dheeraad ah oo si sharci daro ah looga qaadi jirey dadka dhalashada iyo sugnaanta doonta.

Masuulkaan oo ah Agaasimaha Waaxda dad dhigista ee gobolka Benaadir C/rashiid Cabdullaahi ayaa wareysi uu siiyay Wabaahinta Qaranka wuxuu ku sheegay in lacag sharci daro ahayd 10 doolar ahayd lagana qaadi jirey dadka doonta waraaqaha dhalashada iyo sugnaanta inay 5 doolar ka dhigeen.

Advertisement

C/rashiid Cabdullaahi wuxuu ku macneeyay xitaa tii suuqa madow ee la qaadi jirey inay ahayd baahi jirtay.

“wax kasta oo sharci daro ah dadkuna ogol yihiin hadaad aragto waa baahi markaas jirta maxaa yeelay dadku waxaa ku jira  kuwa raba in degdeg loogu adeego kuwaasoo si uun u degdegsan sidaas daraadeed dadkaasi 5 doolar ayaan uga dhignay lacagihii inagu aanan ogeyn ee sida sharci darada ah looga qaadi jirey”ayuu yiri Agaasimaha.

Masuul-kaan wuxuu dhanka kale shaaca ka qaaday in la soo xirey oo gacanta lagu dhigay shirkado si-sharci daro ah u bixinayey waraaqadaha dhalashada iyo sugnaanta.

“Waxaa lasoo soo xiray shirkado si-sharci daro ah u bixinayey waraaqadaha dhalashada iyo sugnaanta, Waxaa kale oo lasoo kordhiyey in diiwaan galin loo sameeyo carruurta dhalata iyo dadka dhinta” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda dad dhigista ee gobolka Benaadir Cabdirashiid Cabdullaahi .

Agaasimaha wuxuu intaasi ku daray in tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen ay la dagaalayeen kooxaha sharci darada ku bixiya waraaqadaha dhalashada iyo sugnaanta.

“%80 waraaqadaha dhalashada iyo sugnaanta. waxaa lagu bixinayay si sharci daro ah xitaa waxaa ku lug yeeshay kuwa shaqaalaheena ka mid ah ,waxaana laga saaray shaqadii Dowlada”ayuu yiri Agaasimaha

Sidoo kale wuxuu sheegay inay mudo kooban kaga guuleysteen kooxihii sida sharci darada ah u sameynayay waraaqaha dhalashada iyo sugnaanta ee Cabdalla Shideeyaha loo yaqaan.

“waxaan bur-burinay shabakado isku xiran oo ay ku jiraan xitaa ajaaniib,ganacsato waa weyn oo Soomaaliyeed,siyaasiyiin iyo Tarevel agenciy-yo, guud ahaan daqligii u bixi jirey banaanka waxaan ku soo celinay gacanta Dowlada”ayuu yiri Agaasime C/rashiid Cabdullaahi .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here