Muqdisho, 23 September 2024: Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dhagax-dhigay dib-u-dayactir lagu sameenaayo xarunta Akuwa Dotto oo ay ku shaqeeyaan Waaxyaha Gaadiidka, Dab-damiska, Gurmadka iyo Waaxyo kale oo Hoos yimaada Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in dib-u-dhiskaan uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta goobaha danta guud ee loogu adeego bulshada, iyadoona munaasabadda ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Boondheere, Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Agaasimaha Waaxda Dab-damiska.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
Advertisement