MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Degmada dharkenleey ayaa waxqabad u muujiyay shacabkiisa markii ay ku horkaceen waxa u wanaagsan oo ah in nadaaada ay gacmahooda kula shaqeeyaan.
Xalay ayay ahayd markiiMaamulka Degmadaasi uu horseed u noqday ollole Nadaafadeed oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah Waddooyinka Degmada dharkeenleey taasoo dhiiri gelin u noqon karta shacabka.
Maxamuud Xaaji Cali (Fiidow) oo ah Guddoomiyaha Degmada dharkenleey ayaa dhankooda wuxuu ku booriyay shacabka degmadaasi in ay ka qeyb qaataan ollolaha Nadaafada.
Ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafada, marka l eego mehradahooda ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda.
Maxamuud Xaaji Cali (Fiidow) mar uu ka hadlayay dadka ku howlan Nadaafad darrada wuxuu carabka ku adkeeyay inay talaabo ka qaadi doonaan islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement