Founder and CEO of Telegram Pavel Durov

Pavel Durov, oo ah aasaasaha iyo maamulaha app-ka fariimaha ee Telegram, ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Bourget ee ka baxsan magaalada Paris kadib markii lagu eedeeyay dambiyo la xidhiidha barnaamijkiisa fariimaha.

Advertisement

Ilo maxalli ah ayaa sheegay maanta in Durov, oo 39 jir ah, la xirey xili uu ka yimid dhanka Asarbayjaan iyo in amarka qabashada Faransiiska lagu bartilmaameedsaday isaga oo qayb ka ah baaritaan horudhac ah.

Maal-qabeenkaan iska leh Telegram ayaa lagu eedeeyay in Ap-kiisa Telegram uu ku lug leeyahay ka ganacsiga daroogada, xoogsheegashada internetka, iyo dembiyada abaabulan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganeysa saraakiil magacooda qariyay.

Bilyaneerka waxaa kale oo lagu eedeeyay  inuu ku guuldareystay inuu App-kiisa Telegram-ka ka joojiyo muuqaalada anshax xumida ee lagu faafiyo

Ninkaan iska leh ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inuu dacwad oogis ku muteysan karo Faransiiska

Mid ka mid ah baarayaasha Dalka Farance  ayaa u sheegay AFP inay la yaabeen Durov inuu soo galo Faransiiska

Dhanka kale, safaaradda Ruushka ee Faransiiska ayaa ka hadashay xariga Milyaneerka 39-jirka ah  oo u dhashay dalkooda, waxayna dalbadeen  in la xaqiijiyo xuquuqdiisa, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here