Dowlad-deegaanada Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin la isugu soo dhoweynayo bulshada labada deegaan, si xal waara looga gaadho colaadda ka taagan deegaannada ku teedsan xuduudda labada maamul.
Hoggaanka Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida, Cabdiqaadir Rashiid Ducaale, oo waraysi gaar ah siiyey BBC Somali, ayaa sheegay in labada maamul ay qabteen munaasabad afur ah oo la isugu soo dhoweynayo labada shacab.
“Ciidamadii waa laga qaaday goobihii ay joogeen, deegaanadii dhexdoodana wadahadal ayaa bilowday. Bisha Ramadaan inta badan weerarro ayaa dhici jiray, laakiin waxa looga faa’iideystay in dadka la isu keeno oo la wada afuro,” ayuu yidhi Ducaale.
Waxa uu sheegay in magaalada Jigjiga afur loogu sameeyey wafdi ka kooban 65 sarkaal oo ka socda deegaanka Canfarta, sida oo kalena madaxda deegaanka Soomaalida afur loogu qaban doono deegaanka Canfarta. Kadibna la qorsheyn doono afur guud oo lagu qaban doono xadka labada deegaan.
“Waxa xigi doonta in dadkii barakacay lagu celiyo guryahoodii. Kadib marka dadka la celiyo, lahaanshaha dhulka iyo wixii laysku hayey waxa loo mari doonaa waddada sharciga si looga jawaabo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ducaale.
Madaxweynaha deegaanka Canfarta, Awol Arba, ayaa ka mid ahaa wafdiga oo soo gaadhay magaalada Jigjiga Talaadadii, halkaas oo uu kaga qayb galay munaasabad afur ah oo qayb ka ah geeddi-socodka nabadda iyo isu soo dhoweynta labada shacab.
Colaadda labada deegaan oo soo noqnoqotay ayaa salka ku haysa muran dhuleed. Bulshada Ciisaha ee degta deegaanka galbeedka Sitti ee laysku haysto, ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Canfartana uu aaminsan yahay in dhulkaasi uu ka mid yahay dhulkiisa.