HomeWarkiiMaamulada Puntland iyo Jubaland oo Nairobi shir ku qaatay

Maamulada Puntland iyo Jubaland oo Nairobi shir ku qaatay

Nairobi – 23 April 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta wada-shaqeynta baarlamaanada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Hiirad Ismaaciil Maxamed, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, iyo Xildhibaan Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo xiriirka labada baarlamaan, lana kordhiyo wada-tashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha sharci-dejinta, horumarinta nidaamka federaalka, iyo sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimada dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa muujiyay sida ay Puntland uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Jubbaland, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa dhankiisa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Puntland si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee horumarinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada Baarlamaan ee ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland.May be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -