Dawladaha Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleed horey colaad ay ku dhexmartay Galbeedka Gobalka Mudug.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay deeganada Galbeedka Gobalka Mudug la kala geeyo Dagmooyinka Goldogob iyo Bandiiradleey sidoo kala labada Maamul Madax ka socata ay maalinta berri ah ay si wadajir ah kormeer ugu sameeyaan goobaha Maleeshiyaadka laga qaado si loo hubiyo dhaqan galka Kala qaadista Maleeshiyaadka.
Marka la xaqiijiyo Dhaqan galka heshiiska Hordhaca ah ee Xabad joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka kadib in loo gudbo dhameystirka Heshiiska Shir balaarana oo looga wada hadlayo xal gaarista sababaha soo celceliya Colaada iyo Dirirta uu ka furmo Magaalada Galkacyo maalinimada isniinta.
XIGASHO PUNTLAND TV