Bismillaaahi Raxmaani Raxiim,
Mahad oo dhan Allaah(S.W) kaliya ayaa iska leh. Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato
Nabigeenii Muxammad(S.C.W) ee Allaah uu u soo diray dunida si uu uga saaro mugdiga iyo
jahliga kuna hogaamiyo jidka iftiinka iyo cilmiga.
Intaas kadib, Muddo laga joogo 50 sano oo ku aadan maalin khamiis ah oo taariikhda milaadiga
ay aheyd 23ka Janaayo 1975 kuna beegneed 10ka bisha Muxaram(Yoomul Cashuuraa) ee
sanadka 1395ka hijriyada waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya lagu
toogtey 10 wadaad oo culimaa’udiin ah oo kasoo horjeestey barnaamijkii shuuciyada caalamiga
ahaa ee ay hor kacayeen golihii sare ee kacaanka ee afka qalaad lagu oran jiray Supreme
Revolutionary Council (SRC) oo markaas ka koobnaa 25 sarkaal oo rag soomaaliyeed ah.
Golahaas waxaa gudoomiye u ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Bare. Golahaas sare ee kacaanka
oktoobar waxaa ay talada dalka Soomaaliya la wareegeen 21kii Oktoobar 1969kii. Isla sanadkii
1970kii bishii Janaayo 10keeda waxa ay soo saareen sharci ay ugu magac dareen Law No 1
laguna aasaasey ciidanka nabadsugida soomaliyeed ( NSS), sharcigaas oo awood u siinaayey

Advertisement

ciidanka nabadsugida in qofkii ay tuhmaan ay jir dili karaan isla markaana qofka tuhmana uu
xirnaan karo muddo dheer maxkamad iyo xukun la’aan taasoo keentey in xabsiga loo taxaabo
dhamaan siyaasiyiintii dowladii rayadka aheyd iyo cid walba oo saameyn laheed oo ay golihii
sare ee kacaanka u arkayeen in ay aragtidooda kasoo horjeedaan. 10kii bishii Siteembar
1970kii waxaa ay golihii sare ee kacaanka soo saareen sharci ay ugu magacdareen Law No 54 oo
ka koobnaa 26 qodob. Isla sanadkii 1970kii golihii sare ee kacaanka waxa ay abuureen

maxkamada badbaadada Qaranka oo gudoomiye looga dhigay Korneyl Maxamuud Geele Yuusuf
,xeer ilaaliyana kornel Maxamed Cismaan Maye. Sharcigaas Law No 54 waxaa lagu tiriyaa
sharciyada ugu yaabka badan ee soo maray dunida aan ku noolnahay uguna adag ee bani aadam
lagu xukumo. Law No 54 waa sharciga lagu dilay ama lagu xiray dhamaan dadkii soomaaliyeed
ee ku baxay ama lagu xiray gacantii golihii sare ee kacaankii 21ka Oktoobar. Xukunada

maxkamadeed ee Law No 54 wax abiil ah lagama qaadan karin waxaana xukumi jirey oo dhaqan

galin jirey maxkamada Badbaadada dalka.
Bishii Oktoobar 1970kii waxa ay ku dhawaaqeen golihii sare ee kacaanka Oktoobar in
jamhuuriyada Soomaaliya lagu dhaqi doono nidaamka shuuciyada caalamig ah ee loo yaqaano
hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ( Sceintific socialism) waxaana lasoo saarey xeerar xoojinaya in
dhamaan hay’adaha dowlada Soomaaliya iyo nolosha qofka muwaadinka ay ka dhex muuqdaan
nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan waxaana lala wareegay dhamaan hantidii gaarka
aheyd iyo shirkadihii waaweyn ee ay lahaayeen ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgaliyayaashii
shisheeyaha ahaa.

Waxaa la dhisay golayaal hanuunin oo dadka soomaaliyeed lagu baro nidaamka hantiwadaaga
cilmiga ku dhisan. Dhamaan goobaha la isku yimaado iyo jidadka waaweyn ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya waxaa la suray sawiro waaweyn oo ay ku xardhan yihiin aabayaashii nidaamka
shuuciyada caalamiga ah kuwaas oo kala ahaa Carl Marx (1818-1883), Vladmir Lenin (1870-
1924) iyo Friedrich Engels (1820-1895).
Nidaamkaan shuuciyada ee ay soo rogeen golihii sare ee kacaanka wuxuu yaab ku noqdey dadkii
waxgaradka soomaaliyeed iyo culumaa’udiinkii waqtigaas joogey iyaga oo sheegay inay adkaan
karto in mujtamac muslim ah 100% in laga hirgaliyo nidaam shuuciyad oo saldhig looga dhigayo

hantiwadaaga cilmiga ku dhisan laakiinse ma jirin wax ka hor imaansho muuqda oo lagu
sameeyey nidaamkaas shuuciga ahaa maadaama dhamaan dadkii waxgaradka ahaa ee ka hor
imaan karay kacaanka Oktoobar ama abaabul sameyn karay ay ku jireen xabsiyada dalka.
11kii Janaayo sanadkii 1975kii waxaa golihii sare ee kacaanka oo markaa ka koobnaa 25 nin oo
rag ah ay ansixiyeen waxa loogu magac daray xeerka qoyska oo ah nidaam lagu saleeyey
hantiwadaaga cilmiga ku dhisan aadna uga hor imaanayey xeerarkii shareecada Islaamka ee
soomaalidu ay isku xukumi jirtey mudada dheer. Sharcigii cusbaa ee xeerka qoyska wuxuu
baabi’iyey dhamaan xeerarkii ka horeeyey ee lagu dhaqi jirey arimaha qoyska.

Maalin jimco ah kuna beegan 17ka bishii Janaayo sanadkii 1975kii waxaa qaar ka mid
masaajidada magaalada Muqdisho ka biloowdey kacdoon bulsho oo si nabadgelyo ah ay dadku
ugu muujinayaan sida ay uga xun yihiin ku dhaqanka nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan

gaar ahaan xeerkii qoyska ee ay la yimaadeen golihii sare ee kacaanka.

Kacdoonkaas dadweyne waxaa hor kacaayey qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo
u arkaayey ineysan jirin nolol ay sugi karaan hadii mar loo soo dhacay diintoodii iyo
mabaadii’dii ay kasoo dhaxleen awoowayaashood isla markaana ay ku fashilmeen
gumeystayaashii reer Yurub iney ka badalaan dadkii soomaaliyeed ee ay gumeysanayeen
muddada dheer.

Ciidamadii xooga badnaa ee kacaanka waxa ay awood xad dhaaf ah ku muuqineyeen
kacdoonkaas nabadeed ee ay culumaa’udiinka soomaaliyeed horkacayeen, waxaa la xiray
culumaa’udiin badan iyo dad weyne badan oo soomaaliyeed.

Isla usbuucaas waxaa qaar ka mid ah culumaa’udiinkaas lasoo taagey maxkamada badbaadada
dalka waxaana lagu xukumay dil toogasho iyo xabsiyo dhaadheer oo aan wax abiil ah laga
qaadan karin.
10 ka mid culumaa’udiinkii lasoo qabtey waxaa lagu toogtey barxada ciidanka booliska loo
yaqaano Scuola Polizia subxanimadii 23kii Janaayo sanadkii 1975 oo beegneed 10ka bisha
Muxaram( Yoomul Cashuuraa) ee sanadka hijriyada 1395ka.
Isla maalintaas waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay mucjisooyinka waaweyn galay taariikhda
ummadda soomaaliyeed. Saacado ka yar markii la toogtey culumaa’udiinka soomaaliyeed waxaa
isku dhacay oo bubrburay labo diyaaradood oo ah kuwa milateriga ee MIG-21 oo dul marayey
hawada caasimada Soomaaliya taasoo dad badan oo soomaaliyeed u fasirteen iney ka dhalatey
carada Allah S.W.T uu ka caroodey in la laayo adoomo ka umaddiisa oo istaagey iney difaacaan
kitaabkiisa Quraanka ah.
10kaas wadaad ee naf hurinimada u sameeyey difaacida diinta Islaamka oo ah diinta ay ummada
Soomaaliyeed aaminsan yihiin 100%, naftoodana ka iibiyey Allaha weyn ee na abuurtey
maalintaasna ogolaadey iney u dhintaan, dhiigoodana u daadiyaan Allah dartiis si ummaddaan
soomaaliyeed aan looga bedelin diinta ay awoowayaashood kasoo dhaxleen ,looguna dhaqin
nidaam shuuci ah oo laga soo min guuriyey wadamo gaalo ah oo aan wax dhaqan iyo diin ka
dhaxeynin iyaga iyo ummadda Soomaaliyeed.
10kaas shahiid ee u dhintey ilaalinta iyo difaacida diinta islaamka ee maalintaas naftooda Allah
ka iibiyey waxaa ay kala yihiin magacyadooda sida soo socota:
1- Sheekh Axmed Sh. Maxamed( Walaaleeye)
2-Sheekh MuuseYuusuf( Marya cade)
3- Sheekh Axmed Iimaan
4- Sheekh Cali Xasan Warsame
5- Sheekh Xasan Ciise Iley
6- Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi
7- sheekh Cali Jaamac Xirsi
8- Sheekh Aadan Cali Xirsi
9- Sheekh Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Sheekh Yaasiin Cilmi Cawil
Waxaa lagama maarmaan ah inaan xasuusnaano mar walba isla markaana taariikhda wiilashaas

oomaaliyeed ee naftooda u huray ilaalinta diinta Alle iyo qiyamka iyo mabaadii’da umadda
Soomaaliyeed aan barno jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda.
In soomaaliya ay sii ahaato dal muslim ah kana mid ah dunida muslimka ka mid ah dadka
soomaaliyeedna ay sii ahaadaan dad muslimiin ah waxaa ku kacay qiimo aad u weyn oo gaarey
heer naf huridnimo sidaa darteed qof walba oo Soomaali ah oo damiir wadaniyadeed leh waa
inuu xusuusnaadaa qiimahaas lagu bixiyey ilaalinta Soomaaliya oo islaam ah kuna dhaqmeysa
diinta Islaamka.
Taariikhyahanada Soomaaliyeed waxaa ay sheegaan in burburka Soomaaliya uu soo bilowdey
maalintaas oo aheyd 23ka Janaayo sanadkii 1975kii maadaama la dilay culumaa’udiin
soomaaliyeed isla markaana dhiigooda qaaliga ah ay dad jaahiliin oo aan islaamka waxba ka
aqoon ay daadiyeen. Dadkii la rabay inay ka hor imaadaan ama ay jaahiliinta gacanta ka
qabtaana ay ka aamuseen oo ay guryahooda galeen meeshii ay banaanka usoo bixi lahaayeen oo
ay ka dhiidhiyi lahaayeen xadgudubka loo geystey diinta islaamka.
Maanta oo laga joogo 48 sano maalintii la dilay culumaa’udiinka soomaaliyeed waxaa talada
dalka Soomaaliya isku hayo kooxo islaamiyiin heysta fikirka khawaarijiintii hore ee seef
laboodka ahaa iyadoo aysan jirin wax ay xeerinaayaan isla markaana baneystey dhiigii iyo
xoolihii umadda soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya magaca Islaamka, iyo dhinaca kale oo ay
taagan yihiin dowlad cilmaaniyad ah oo rabta iney dhaqan galiso mabda’a dimoqraadiyada reer
galbeedka maadaama mabda’ii shuuciyada ee culumada soomaaliyeed loo laayey uu Alle weyne
halaagey meeshana uu ka baxay.
Waxaa fagaaraha siyaasada dalka Soomaaliya ka maqan fikirka islaamka qunyar socodka ah oo
noqon lahaa waxa kaliya ay Soomaaliya ku badbaadi karto laakiin nasiib daro qaar badan oo ka

mid ah wadamadda reer galbeedka ma rabaan Islaam oo dhan noocuu doono ha ahaadee
waxayna kula jiraan dagaal aad u xoog badan sidii islaamka siyaasiga looga saari lahaa nolosha
dadka muslimiinta ee caadiga ah.

Ilaa iyo hadda dadka soomaaliyeed waxa ay ka sheekeeyaan nabadii iyo daganaanshihii ay
heshay caasimada Soomaaliya horaantii sanadkii 2006kii oo lagu soo rogay caasimada iyo
gobolada koonfurta Soomaaliya ku dhaqanka shareecada islaamka oo loo dhaqan galinaayo si
qunyar socod ah oo miyir degan uu la socdo.
Waxaa yaab leh in 6dii bilood ee sanadkii 2006dii ee ay maxkamadaha islaamka ka talinayeen
koonfurta Soomaaliya inaan la fulin xal xukun oo ka mid ah xadka islaamka oo kasoo baxay
midowgii maxkmadaha Islaamiga laakiin nabadgalyada iyo kala danbeynta iyo ilaalinta
xuquuqda muwaadinka ay gaartey 100%, waana su’aasha ay is weydiinayaan dad badan sababta
keentay inay maxkamadihii islaamiga ay mudaddaas yar ku guuleystaan arin ay ku guul
dareysteen dowladihii waaweyn oo ee awoodda badnaa oo waqti badan iyo lacag badan galiyey
sidii Soomaaliya ay uga dhigi lahaayeen dal dagan oo nabad ah.

Diinta Alle iyo ilaalinteeda cabsi lagama qabo lagamana walwal qabo iney guuldareysto laakiin
bani aadanka oo cimrigiisu kooban yahay ayaa iska jecel inuu guusha ku arko indhihiisa laakiin
waxaa loo baahan yahay la shaqeeyo oo aan la daalin sidii loo gaari lahaa Soomaaliya oo islaam
ah kuna dhaqameyso diinteeda sharafta badan ee Islaamka isla markaana nabad ku wada nool
dariskeedana kula nool badan.
Waxaa lasoo gaarey maalintii aan kor ugu dhawaaqi laheen oo aan ku oran laheen
hogaamiyayaasha iyo madaxda reer galbeedka sida aan u diidan nahay Islaam xagjir oo seef la
bood ah oo baneysanaya dhiiga iyo xoolaha soomaaliyeed, si le’eg ayaan u diidan nahay
cilmaaniyad seef la bood ah oo dadka soomaaliyeed ka fogeyneyso diintooda iyo dhaqankooda.
Soomaaliya waxaa ka socda mashruuc ah in dadka la nacsiiyo diintooda iyo dhaqankooda iyada
oo loo soo marayo hab dhaqanka foosha xun ee khawaarijta iyada wax walba islaam shaqo ku
leh laga fogeynaayo dowlada iyo dowladnimada si loo helo jiilal Soomaaliyeed oo marka
Islaam lasoo hadal qaado ku dhahaayo war islaamka aad sheegeysid soo midkaan soo aragnay ee

Alshabaab ay xoolaha iyo dhiiga ku baneysan jireen soo ma aha sidaas darteedna looga cararo
diinta Islaamka ee sharafta badan iyo wax walba oo la xiriira.

Waxaa lagama maarmaan ah in culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay Allah ka baqaan oo sida ay
Alshabaab iyo fikirkooda khawaarijnimada ay uga digayaan oo kale ay uga digaan mashruuca
fasaahidinta diinta Islaamka iyo in diinta Islaamka iyo dowlada la kala saaro, barnaamijkaas oo
ah mid ay aad u dooneyso cilmaaniyada casriga ah.

Soomaaliya wax walba waa lagu soo xukumay waxaan soo aragney dowlad dimoqraadi ah ,
waxaan soo aragney dowlad shuuci ah, waxaan soo aragney dowlado qabiileysan iyo
qabqablayaal dagaal sidaa darteed waxaa lagama maarmaan in wadamada reer galbeedka ee
awooda ciidan iyo awooda dhaqaale ku heysta talada dalka Soomaaliya iney ogolaadaan in dalka
Soomaaliya lagu tijaabiyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo talada islaamka qunyar socodka.

In hogaamiyayaal waaweyn oo islaamiyiin qunyar socod ah laga qeyb galiyo talada dalka
Soomaaliya waa talaabo wanaagsan oo loo qaadey dhinaca dib u heshiisiinta iyo dhayida
dhawaacyadii foosha xumaa ee magaca dowladda Soomaaliyeed loogu geystey diinta islaamka
laakiin ma buuxineyso baahida ay u qabaan dadka Soomaaliyeed iney arkaan dowlad
Soomaaliyeed oo ku dhaqmeyso shareecada islaamka.

Dadka soomaaliyeed waa ay ka aqoon iyo wacyi sareeyaan sidii ay ahaayeen 48 sano ka hor
waana ay ogyihiin in dalkooda Hooyo lagu dhaqo isla markaana miiska maxkamadaha uu
saaran yahay buugga Codice Penale Somalo(Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed) oo ah xeerkii

ciqaabta ee uu noo sameeyey gumeytihii reer Yurub , isla markaan uu ku waajib yeelaayo qaadi
walba ama garsoore walba oo maxkameed inuu raaco uu ku kala xukmiyo dadka dacwadu ka
dhaxeyso qanuunkaas aan gumeystaha ka dhaxalney maadaama dastuurka KMG ah uusan
siineynin garsoorayaasha maxkamadaha awood ah iney dadku kala doortaan qanuunka Codece
Penale Somalo(Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed) iyo xukunka Islaamka midka ay r

kala xukmiyo labada dhinac ee ay dacwadu ka dhaxeyso.
Su’aasha soo noqnoqota oo la is weydiiyo waa maxaa dadka Soomaaliyeed ku qasbaayo in si
iskood ah xukun ugu doontaan maxkamadaha ururka Alshabaab?
Waana su’aal mar walba dadka daraaseeyo arimaha sharciga iyo hirgalinta xukunada
maxkamadeed ay aad isku weydiiyaan? Qaar waxa ay yiraahdaan sababta waa laaluushka xaddhaafka
ah ee caadiga ka noqdey maxkamadaha dalka, qaarna waxa ay leeyihiin waa awood
la’aanta fulinta xukunada maxkamadaha ee dowlada Soomaaliya, qaarna waxaa ay leeyihiin
nidaamka cadaalada dalka ayaaba ku dhisan nin tooxsi iyo yaa taqaan iyo yaa ku xiga? Waa
musiibo weyn oo ay adag tahay in laga gudbo una baahan go’aan adag iyo dhiiranaan weyn.
Waxaa lagama maarmaan ah in la is weydiiyo sidee nidaam ku saleysan fikir xag jir ah oo
baneynaayo in la dilo qofka soomaaliga ah isla markaana xoolihiisa iyo naftiisa la xalaashado ay
ku suurta gashay inuu Soomaaliya ka hana qaado oo uu waliba ku xoogeysto oo ay u suurta
gasho in inta badan dalka Soomaaliya uu ka taliyo muddo ka badan 15 sanadood isla markaana
ay aad u adkaan doonto in si fudud lagu baabi’iyo xataa hadii milateri ahaan looga guuleysto
waqtiga dhow.
Arintaas ma aha wax iska yimid oo hal habeen kaliya iska soo boodey sidaas darteed waxa ay u
baahan tahay in daraasad cilmiyeysan oo aan ku saleysneen xamaasad iyo naceybka iyo jaceelka
fikir gooni ah ay ku sameeyaan aqoonyahanada soomaaliyeed iyo cilmi baarayaasha dunida si
loo ogaado saldhiga dhibaatada mudada dheer ka jirtey dalka Soomaaliya iyo sida loo daweyn
karo.
Hadii wadamada reer galbeedku ay diidaan fikirka ah in Soomaaliya lagu tijaabiyo xukunka
islaamka qunyar socodka ah oo bal la fiiriyo iney degto oo xasilooni hesho si ay u noqoto dal
degan oo nabad ah isla markaana si nabad gelyo iyo deris wanaag kula nool dariskeeda, waxaa
laga yaabaa in dhibka hadda alshabaab ay ku hayaan Soomaaliya uu u gudbo geeska iyo bariga
Afrika oo dhan oo marka u danbeyso wadamada reer galbeedkana uu ugu yimaado guryahooda.
Dadka iyo dalka aan leeyahay waxaa ku haboon in xukunka islaamka lagu tijaabiyo ayaa ila
haboon ma aha Mareykan iyo Ingiriis iyo Talyaani ee waa Soomaliya oo ah dal iyo dad muslim
ah 100% xaq ayayna u leeyihiin dadka Soomaaliyeed in diintooda lagu xukumo oo aan lagu

qasbin shuruuc laga soo min guuriyey romaaniyiintii hore iyo wadamada reer galbeedka.
Hadda Alshabaab aan ka qaylineynaa oo aan qaati ka taagan nahay maxaan ka ognahay inaan
gaarno waqti aan dhahno war Alshabaab aa naloo qaatey oo musiibo ka xun aan aragney?
Allaha awoodda badan waxaan weydiisanayaa inuu naxariistii jano siiyo wadaadadii
soomaaliyeed ee naftooda u huray difaacida diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee
soomaaliyeed.

Allaa weyn qofkii aaminaa awood leh ummad waliba aayaheeda iney garato iyadaa le

Soomaaliya ha noolaato.Soomaaliya Soomaali baa leh.
Ha iloobin inaad u duceyso dalkaaga hooyo mar walba iyo saacad walba hana ka quusin
naxariista Alle weyne.

Fiiro gaar ah: Fikirka ku qoran maqaalkan waa aragtida gaarka ah ee qoraaga maqaalka.
Qalinkii Cabdala Aadan Xasan( Cabdala Siyaasi)
Wixii su’aalo iyo dood furan kala xiriir Email: abdullahihassan@hotmail.com

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here