Madaxa Laanqayrta Cas Haweeneyda lagu magacaabo Mirjana Spoljaric ayaa ku boorisay Lubnaan iyo israa’iil  inay cusboonaysiiyaan heshiiskii xabad joojinta si aaney dagaaladii u soo laaban taasoo dhibaato ku ah shacabka.

“Dadka rayidka ah ma awoodaan inay xabbad-joojintu burburto, taasoo dib ugu celinaysa dagaal culus oo keenaya dhimasho iyo burbur badan,” ayay ku tiri hadal ay soo saartay Madaxa Laanqayrta Cas

Advertisement

Mirjana Spoljaric waxay sidoo kale sheegtay in ilaalinta xabbad joojinta ay lama huraan u tahay qoysaska doonaya inay guryahooda ku laabtaan, islamarkaana dib u dhistaan ​​noloshooda.

Madaxa Laanqayrta Cas waxay ku baaqday  in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo kuwa u baahan ee dagaalada ka barakacay.

Xabbad-joojinta 60-ka maalmood ah ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa bilaabmay November 27.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in Hezbollah ay u guurto waqooyiga wabiga Litani taasoo Israel siinayso 60 maalmood inay ka baxdo koonfurta Lubnaan si ay ku wareejiso ciidamada Lubnaan iyo nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Ilaa hadda, Israa’iil waxa ay ka baxday kaliya laba ka mid ah tobannaan magaalo oo ay ku haysay koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, waxana ay sii waday duqeymaha cirka ah ee maalinlaha ah ee ay ku hayso dalkaasi.

Naim Qassem, madaxa Hezbollah, ayaa Sabtidii sheegay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay ka jawaabto xadgudubyada xabad joojinta ee Israel.

                                                     SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here