Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 person and York Minster
London, ilaasho mobile kaagaa iyo….
Mobile
London hadaad joogto ilaasho Mobilkaaga yaan lagaa dafine, weliba Faras Magaalka. Digniinta lagu siinayo ayaa ah ” iska jir kuwa Mootada ama bicycle wato oo dhinacaaga marayo, iska ilaali in aad” Text” qorto oo Adiga oo ku mashquulsan qoraal lagaana dafo, meelaha qaarna Tuug socdo in uu kaa dafo.
Sanadkaan waxaa la dafay 78,000 Mobile, sanadkii hore ee 2023 waxaa London lagu dhacay 52,144 Mobile, 1000 Qof 6 ayaa laga dhacaa, Qiimaha Telephone-da la dhaco sanadkii waa 21 million Dollar.
Mobile-da la dhaco badanaa laguma isticmaali karo London, laakin Bil gudaheed waxa ay yaaliin oo shabakada Tuugadu u gudbiyaan magaalo ku taal Shiinaha. ( Waxaan ka soo xigtay Metropolitan Police UK ), iyo Dad degan London oo Somali iyo Ajnabi ah. yaan lagaa Boojeeynine, Mobilkaaga dhuuqso.

Mobile-kaaga Luuq la taga ama Labada Gacmood ku qabso.

( F.S:1-2aad) Kufsi.
Caruurta Da’doodu u dhaxeeyso 10-19 ee lagu kufsaday London 2022 waa 8,832. Waxaa ka daran Haweenka isbitaalada lagu dhax kufsaday 2020-2023 waa 30,306 sida ku cad warbixinta Police-ka.
Kufsiga Dalku celcelis ahaan waa 30kii Haween ah in Mid la kufsado, waxaana la kufsaday 798,000 Haween ah. Haweenka qaar waxaa la kufsaday hal mar ka badan.

Gabdhaha Da’doodu tahay 9-10 jar ee Isgoolada dhigto waxaa gabdho kale u soo diraan sawiro iyo Vedio Galmo ku saabsan.

Guud ahaan Kufsiga iyo Anshax xumada lagula kaco Haweenka ayaa gaarayo 6.5 Million Haween ah.

Haweenka la kufsado Badanaa police – ka uma dacwoodaan sabata oo ah: 40% waxa ay yiraahdeen waa ceeb. 22% waxaa ay yiraahdeen Mustaqbalkeena ayeey xumeynee. 38% waxa ay yiraahdeen Police-ku waxba kama qaban karo kufsiga, Dacwaduna Maxkamadda ka hor ayaa baaristeedu socanee 2 Sano, waa wakhti dhumis aan waxba laguu qabaneyn.

War bixin kale ee “Rape Crisis of UK” ayaa police-ku leeyahay April 2023-March 2024 waxaa la diiwaan galiyay 67,928 kufsi. Warbixinta “Rape crisis” ayaa sheegee in aynan aheyn Dumarka oo kaliya ee Ragga waaweyn ee la kufsaday ay gaarayaan 1,34 Million Rag ah.
Tuugadda Guryaha.

Sida ay cadeeyeen Police-ka UK 2023 – 2024 waxaa Tuugadu galeen 56,263 Guri, hoos ayeyna u dhacday, hore sanadkii 2019 waxa ay aheyd 81,463,badanaa waxaa la dhacaa Guryaha lagu tuhmayo hanti, kuwa daaqadahoodu furan yihiin iyo kuwa Dadkii deganaa ay fasax ka aadeen.

Dil iyo Afduub
London Dadka la afduubtay 2023 – 2024 waxa ay gaarayaan 7,277 sida ku cad ” kidnapping Record” ee Police – ka London,
inta middi lagu weeraray 2015/2016 waa 15,928 hadda hoos ayeey u dhacday 2024 waa 9,752. Wargeyska Dailymail ayaa 28 May 2019 qoray waalidiinta Somalidu caruurtooda East Africa ayey ula cararaan si ay uga fogeeyaan dambiyada Middida.

Is barbar dhig Somaliya iyo UK
Dad badan ayaan ogeeyn xaqiiqdaan, kuwaas lama yaabin Aniguba Akhbaartaan qeyb ka mid ah hore uma ogeyn.

Waxaanse la yaabaa, kuwa Somaliya joogo ee marka ay hor fadhiyaan Gaaladda isku jilciyo oo leh, Dalkeenu amaan ma ahan, Mobile-da waa la iska dhacaa, iyo NGO-yo war bixin ku Gudbinayo 900 Haween ah ayaa Xamar lagu kufsaday taa oo been ah, si ay ugu baar laxawsadaan oo dhaqaale loogu siiyo ayeey Been ka Sheegayaan Kufsiga somaliya ka dhaco, kan aad u sheegee ee aad leedahay Xuquuqda Bini aadamka ayuu dhowraa ayaa kaa kufsi badan.

( F.S: 3-6aad)
Kufsigu waa Dambi weyn sida Diinteenu noo sheegtay ee ka hor tag, Adiga oo aan uga dacwoon Gaalo kaa kufsi badan, kaa Mobile dhacow badan, kaa Anshax xun. Waa iga Talo.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar
                              Qore: Yahya Amir
May be an image of 3 people and wingtip shoesMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here