XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga  Liibaan Axmed Xasan (shuluq) oo ka mida musharaxiita xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa booqday furimaha dagaalka duleedka Magaalada Xarardheere oo lafteeda uu shalay booqday.

Siyaasigaan waxaa booqashada ku wehliya masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo saraakiil Ciidan balse waxaa la rumeysan yahay in socdaalkiisa dhiiri-gelinta ciidamada inay salka ku heyso kaambeynka ama ol-olaha uu ugu jiro xilka Madaxweynaha.

Advertisement

Liibaan Shuluq oo raba inuu kasbado quluubka dadka reer Galmudug madaama uu musharax yahay ayaa gaaray halka ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku kaga soo horjeedaan Kooxda Alshabaab.

Mar uu ciidamada la hadlaayay ayuu siyaasigu u sheegay  inay yihiin kuwa laga rabo inay Galmudug iyo guud ahaan dalka ka saaraan Alshabaab.

“waxaan saaka idinkugu imaanay aagiina adinkoo ah ilaalo qaran waadna garan kartaan ilaalo qaran macnaha aad shacabka soomaaliyeed ugu fadhidaan,maalintii aad ku soo biirteen ciidamada qaranka shacabku rajo ayay qabeen, kuwa la rabo in cadowga ay ka saaraan Galmudug-iyo guud ahaan Soomaaliya waa adinka”ayuu yiri Siyaasi Liibaan shuluq

Siyaasiga wuxuu ciidamada weydiistay inay godadka ugu galaan dagaalamayaasha Alshabaab,wuxu xusay inay diidan yihiin in Somalia wax noqoto islamarkaana uu ajanabi gadaal ka soo riixayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here