Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Baydhaba loogu geystay Xildhibaanadii Golaha Deeganka Degmada Berdaale ee Gobolka abaay.
Advertisement
Allaha u naxariistee Xildhibaanka oo kooxo hubeysani dileen ayaa lagu magacaabi jirey Xildhibaan Abduhaab Mohamed Daqare.
Warsaxaaadeed ka soo baxay Lata-gareen ayaa sidan u qornaa:-
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Naxdinta leh ee ku Timid Alle Ha-U-Naxaristee Xildhibaan Abduhaab Mohamed Daqare oo kamid ahaa Xildhibaanadii Golaha Deeganka Degmada Berdaale ee Gobolka abaay
“Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduhaab Mohamed Daqare oo Caawa Baydhabo Gacan ka Xaq daran ay ku dishay
Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Abduhaab Daqare in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Iiman uu ka siiyo.
Advertisement