XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa tilmaamay in khadka dhexe ee Real Madrid uu yahay meel daciif ah oo ay kooxdiisu ka faa’iidaysan karto ka hor finalka Copa del Rey ee si weyn loo sugayo.
Yamal ayaa aaminsan in tan iyo markii uu Toni Kroos ka fariistay kubadda cagta, ay u muuqato in Real Madrid ay la daalaa-dhaceyso qaab ciyaareed liita, taas oo Barcelona siinaysa fursad weyn oo ay ugu guuleysato koobka.
“Tan iyo markii Toni Kroos uu ka fariistay, khadka dhexe ee Real Madrid wuu daciifay,” ayuu yiri Yamal.
“Tani waxay na siinaysaa fursad weyn inaan ku guuleysano koobka.”
Kroos, oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta kadib Euro 2024, wuxuu ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee khadka dhexe ee Real Madrid muddo in ka badan toban sano ah.
Bixitaankiisa ayaa si weyn looga dareemay kooxda, iyadoo taageerayaasha iyo falanqeeyayaashuba ay sheegeen in kooxda ay wayday dheelitir iyo xakameen ciyaareed oo ay horey caan ugu aheyd.
Real Madrid ayaa haatan baaraysa ciyaartooy cusub oo lagu buuxiyo booska Kroos, iyadoo lala xiriirinayo magacyo waaweyn sida Joshua Kimmich iyo Rodrigo Hernández.
Si kastaba ha ahaatee, helidda ciyaartooy cusub oo booskaas muhiimka ah ee khadka dhexe waxay u baahan tahay waqti, waxaana muuqata in khadka dhexe ee hadda uusan la jaanqaadi karin awooddii hore ee kooxda.
Iyadoo Barcelona ay si adag isku diyaarinayso finalka, hadallada Yamal waxay muujinayaan in kooxdu diiradda saarayso sidii ay uga faa’iidaysan lahayd daciifnimada khadka dhexe ee Real Madrid.
Iyadoo labada kooxoodba ay doonayaan inay hantaan koobkan qiimaha badan, dagaalka khadka dhexe ayaa noqon doona mid si toos ah u saameeya natiijada ciyaarta.