Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sameeyay isbeddal maamul, kadib tallaabo culus oo uu qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday guddoomiyeyaashii gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, iyada oo la magacaabay kuwa cusub.

Advertisement

Guddoomiyaha maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Cali Wardheere Dooyow, halka Shabeelaha Hoose, mar kale lagu soo celiyay Ibraahim Aadan Najax.

Najax ayaa markiisii afaraad noqonayo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay ayaa isna xilkaas horay usoo qabtay.

Wareegtada ayaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub inay xilalkooda la wareegaan, kadibna ay dardargeliyaan mas’uuliyadda culus iyo waajibaadka loo igmaday.

Dhinaca kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Xafiiska Madaxtooyada ku qaabilay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Kaniif Abdulaahi Mohamed oo maanta gaaray Baydhabo.

Kulanka waxaa ku wehlinayay madaxweynaha  Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha Ilaalada Gaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo lagu lafa guray Arimaha Ciidanka iyo horumarka laga gaaray amniga magaalada Baydhabo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here