BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta daahfurey Mashruuca Iftiiminta Xaafada Barwaaqo ee Magaalada Baydhabo oo ah xarunka Kumeel-gaarka ah ee maamul Goboleedka iyo Gobolka Bay.
Mashruucaan waxaa iska kaashtay hirgelintiisa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Ingiriiska.
Masuuliyiin kala duwan ayaa soo xaadirtay munaasabadaani sida Madaxweyne Lafta-gareen,Wasiiradiisa qaar ,xildhibaano isugu jira faderaalka iyo maamulka, masuuliyiinta maamulka Gobolka Bay iyo kan Magaalada Bayd Baydhaba.
Sidoo kale maamulka Shirkada Korontada ee BECO iyo Marti Sharaf kale ayaa soo xaadirey, waxaana hadalo kooban ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka Koofur-Ga;lbeed C/casiis Lafta-gareeN.
“waxaan ku faraxsanahay in mashruucaan lagu iftiiminayo mid ka mid ah xaafadaha ugu waaweyn Baydhabo, islamarkaana la soo celinaayo bilicdeedii iyo quruxdeedii”ayuu yiri Lafta-gareen
Madaxweynaha wuxuu intaasi ku daray in talaabadaani ay qeyb ka tahay dadaaalada Dowlada ee gaarsiinta adeegyada bulshada.
“dadkaani ma soo barakicin halaga daato waa soo bara-kaceen , waa dadk dhibaato deegaankooda ku qabsatay islamarkaana yimaadeen deegaanadooda kale laguna soo dhaweeyay, duruf amni iyo mid abaared ayaa qabatay marka lama dhihi karo waa barakacayaal”ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement