Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamaddu xorriyadiisa dib u siisay, sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

May be a graphic of 2 people, beard, dais and text

Advertisement
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here