HomeWarkiiLabada Kooxood Ee Uu Zinedine Zidane Aqbali Karo Inuu Tababare U Noqdo...

Labada Kooxood Ee Uu Zinedine Zidane Aqbali Karo Inuu Tababare U Noqdo Oo La Shaaciyay

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto shaqada tababare laakiin kaliya waxa uu doonayaa labo kooxood midood inuu qabto.

Bishii May 2021kii ayuu halyeeyga kubada cagta Zidane ka tagay kooxda Real Madrid oo uu mar labaad tababare u noqday ka dib markii uu ku guuldareystay inuu koob kula guuleysto xilli ciyaareedkii 2020/21.

Ka hor waqtigaas, Zidane wuxuu Real Madrid u qaaday seddex champions league  oo isku xigta iyo koobka horyaalka La Liga oo uu labo jeer ku guuleystay.

Tan iyo markii uu Madrid ka tagay ku dhawaad afar sannadood ka hor, Zidane ayaan weli ku soo laabanin shaqada tababarenimo, laakiin taasi way isbedeli kartaa isagoo ku dhow inuu helo shaqadiisa riyada.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegay inay hubaal tahay in Zidane uu shaqada tababarenimo ee xulka Faransiiska ka bedeli doono Didier Deschamps, waxaana ugu wacan ayay yiraahdeen inaysan jirin tababarayaal badan oo Faransiis ah oo ka dhex muuqda horyaalada Yurub.

Haddii loo soo bandhigo shaqada, waxay markaas u badan tahay inuu 52 jirkaan aqbali doono, iyadoo horay loo sheegay in Zidane uu aqbalayo kaliya labo shaqo midood inkastoo ay xiiseynayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn kubada cagta.

Sida ay sheegtay jariirada Marca, Zidane ayaa kaliya ku soo laaban doona shaqada tababaarenimo haddii loo soo bandhigo fursad uu ku hogaamiyo xulka Faransiiska ama haddii loo soo bandhigo inuu ku laabto Santiago Bernabeu.

Labada shaqo ee uu Zidane aqbali karo waa kaliya xulka Faransa ama kooxdiisa hore ee Real Madrid oo uu haatan hogaaminayo tababare Carlo Ancelotti.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -