Wararka ka imaanaya deegaanka Habeedlay oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sheegay in laba wiil oo walaalo ahi ay halkaas hooyadeed oo waayeel ahayd si arxan-darro ah ugu dileen.

Hooyada la diley oo lagu magacaabi jirey Aamino Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay in labadeeda wiil ay si fool xun mindi ugu dileen, taas oo sababta geerideeda, sida laga soo xigtay goobjoogayaal xog-ogaal u ahaa dhacdadan.

Advertisement

Hooyo Aamino Yuusuf ayaa la sheegay inay dhashay labada wiil ee nafta dhaafiyay iyo hal gabar, lamana oga sababta rasmiga ah ee dilkeeda ka dambeysa, balse xigtadeeda ayaa laamaha garsoorka ka dalbaday inay dhacdadan si degdeg ah uga howlgalaan.

Dadka isku qoyska ah ee is dilaya ayaa sanadahan dambe dhulka Soomaalida ku soo kordhaya, dhawr dhacdo oo noocaan ah ayaana horay looga soo wariyay qaar kamida deegaanada Soomaalida.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here