BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegaya in tiirka la soo taagay laba wiil oo dhawaan toorey ku dilay haweeneey xili ay Mobile ka dhacayeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in Maxkamada Baydhaba ay riday xukunka islamarkaana maanta lagu fuliyay dilka qisaasta ah.
Laba maalin ka hor ayay ahayd markii labadaan wiil ay haweeney ugu galeen gurigeeda kadibna ay toorey ku dileen iyagoona kaliya rabay inay Mobile-keeda gacanta ka dhacaan sida maxkamadu sheegtay.
Sida inta badan lagu yaqaan Maxkamada Magaalada Baydhaba waqti badan lama siiyo dadka dilalka ku eedeysan kaliya marka ay hubsato xukunka iyo fulinta dilka qisaasta ah isla-markiiba waa lagu dhaqaaqaa oo xitaa asbuuc uma dhaxeeyo labada dil waliba mararka qaar isku mar baaba la duugaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka reer koofur-galbeed ay heshiis ku gaareen in qofkii dila qof kale toos isna loo dilo oo aan meelo kale sida diyo iyo heshiis beeleedyo midna loo aadin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM